Dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda

Ciidamada Nabad sugida ee ka howlaga degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa soo bandhigay labo nin oo la sheegay in ay katirsanaayeen dagaalyahanada Al Shabaab kana soo goostay kooxdaasi.

Ragan lasoo bandhigay oo magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Tawane Abdi iyo Deeqow Ibraahin Cabdalle ayaa ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Luuq lasoo sameeyay xiriir kahor inta aysan is dhiibin.

Waxa ay sheegeen labadan dagaalyahana ee kasoo baxay Al Shabaab in duruufo adag iyo xaalado kala duwan la kulmeen intii ay katirsanaayeen Al Shabaab, waxa ayna cadeeyeen in ay go’aansadeen in ay kasoo tagaan kooxdii ay hubka u wadeen.

Ciidamada dowladda ee ku sugan qaar kamid ah gobolada dalka ayaa marar badan soo bandhigay xubno ay sheegeen in ay katirsan yihiin Al Shabaab kuwaa oo isku soo dhiibay, Al Shabaab ayaana inta badan ka hadlin raga lasoo bandhigo ee dhankooda ka yimaada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -