Xildhibaano hor leh oo maanta qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Sawirro)

Guddiga doorashada heer federaal ayaa wali wada bixinta shahaadada xildhibaanimo ee la siinayo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ee lagu soo doortay dowlad goboleedyada iyo Muqdisho.

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ee ku maqnaa dalka dibaddiisa iyo qaar kamid ah gobolada dalka ayaa soo gaaraya magaalada Muqdisho, kuwaa oo qaadanaya shahaadada Xildhibaanimo.

Waxaa saakay shahaadada xildhibaanimo qaatay ilaa saddex Xildhibaan, waxaana wali xarunta guddiga doorashada ku shaqeenayo ka socotada bixinta shahaadada, waxaana tirada guud ee xildhibaanada qaatay shahaadada ka badan yihiin 160-Xildhibaan.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed lagu soo doortay ayaa weli diidan in ay qaataan shahaadada Xildhibaanimo, waxa ayna xildhibaanadaasi marka laga reebo saddex xildhibaan u hoggaansameen ammarka Laftagareen oo ah in aysan shahaado qaadan.

Halkan ka akhriso magacyada xildhibaanada saakay qaatay shahaadada

1. Farhan Ali Mohamoud AS#10
2. Abdirisaq Mohamed Osman AS#03
3. Zahra Abdulahe Igal (Bundubte) GSH#094

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -