Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mareykanka oo Shaaciyay waxa ay sameenayaan haddii Ruushku uu weerar Nukliyeer ah ku qaado Ukraine

Dowladda Ruushka ayaa laga cabsi qabaa in dagaalka ay kula jirto ciidamada dalka Ukraine u adeegsato hubka nukliyeerka, kaddib guuldarooyin waa weyn oo ay kala kulmeen duullaanka ay dalkaasi ku qaadeen.

Mareykanka ayaana si weyn ugu digay dowladda Ruushka adeegsiga hubka nukliyeerka, Mareykanka ayaana cadeeyay in Ruushka cawaaqib xumo kala kulmayo, haddii uu hubka nukliyeerka u isticmaalo dagaalka uu ka wado dalka Ukraine.

La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, ayaa sheegay in Mareykanka indhaha ka fiirsan doonin Ruushka, haddii uu adeegsado hubka wax gumaada ee nukliyeerka.

Waxa uu sheegay la taliyaha in saraakiisha Maraykanku ay si gaar ah ugu sheegeen dhiggooda Ruushka, in madaxweyne Biden “uu si cad uga jawaabi doono” haddii madaxweyne  Putin uu amro weerar nukliyeerka ah.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Mareykanka ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Ruushka muujiyay suurtagalnimada in ay dagaalka Ukraine u adeegsadaan hubka nukliyeerka, waxa uuna Putin sidoo kale u yeeray boqolaal kun askari oo kamid ahaa kuwa keydka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnaha Aqalka sare ku metela K/Galbeed oo War-Saxaafadeed kulul soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Dhulgariir kale oo ku dhuftay Marooko & dhimashada oo sii dhaaftay.. (Sawirro cusub)

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga oo si weyn loogu soo dhaweeyay Caabudwaaq (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---