Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ruushka oo taliye cusub u magacaabay ciidankooda ku duullay Dalka Ukraine

Dowladda Ruushka ayaa wararku sheegayaan in taliye cusub usoo magacawaday ciidankeeda ku duulay dalka Ukraine, kaddib markii ciidamada Ruushka ku guuldareesteen ujeedkii ay u weerareen Ukraine.

Saraakiil reer Galbeed ah iyo ilo kale oo sirdoon ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Ruushka taliye uga soo dhigtay ciidankooda jooga Ukraine Jeneraal Alexander Dvornikov oo ah sargaal khibrad badan u leh dagaalka.

Jeneraal Alexander Dvornikov, ayaa la sheegay in uu yahay sargaal dhinaca dagaalka aad ugu xeeldheer, waxa uuna sargaalkan kasoo howlgalay dalka Siiriya isaga oo difaacayay nidaamka Bishaar Al Asad.

Dowladda Ruushka ayaa tallaabadan ay taliyaha cusub ugu magacwadya ciidankeeda jooga Ukraine uga gon leh sidii loo dardar galin lahaa duullaanka ay ku qaadeen Ukraine oo Ruushka wali ka gaarin hadafkii ay u weerareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday gudaha Kenya kuna gubtay Gaadiid iyo Anteeno

Cabdi Cade

Qatar oo qaaday talaabo dharbaaxo ku ah dalalkii carbeed ee xiriirka u jaray

Caydiid Ali

Taliye Xijaar oo u digay dhalinyaro muddooyinkan falal dhaqan xumo ah la soo baxay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---