Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad badan oo lagu laayay weerar lagu qaaday goob tareenada laga raaco oo kutaala Ukraine (Sawirro)

Ciidamada Ruushka ayaa lagu eedeeyay in weerar gantaal ku qaadeen xarun tareen oo ku taalla bariga dalka Ukraine , xilli xaruntaasi la doonayay in laga daadgureeyo dadka rayidka ah ee ka cararaya colaadaha dalkaas ka jira.

Weerarkan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen 50-qof oo shacab ah ay ku jiraan shan caruur ah Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay illaa 87 qof oo kale, kuwaa oo loola cararay xarumaha caafimaadka.

Qaramada Midoobay ayaa weerarkan lagu qaaday xarunta tareenada  iyo weeraro kale oo ka dhacay dalka Ukraine ku tilmaantay kuwa aan la aqbali karin oo xadgudub ku ah xaquuqda aadanaha ayna muhiim tahay in lala xisaabtamo kuwa geesanaya.

Guddoomiyaha gobolka Donetsk ayaa sheegay in kumannaan qof ay ku sugnaayeen xaruntan markii gantaalada lagu garaacayay, iyagoo isku dayaya in ay u baxaan meelo nabdoon xilli gobolkani uu u diyaar garoobay duullaan weyn oo Ruushku kusoo yahay.

Ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka Ukraine ayaa lagu eedeeyay tacadiyo ballaaran in ay dalkaasi ka geesteen, waxaana Ruushka si aan kala sooc laheyn gantaalo ugu garaacayaa goobaha milatariga iyo kuwa rayidka ee kuyaalla gudaha Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay Gacankudhiigle baxsad ku jiray

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay C/waaxid Axmed Faarax

Caydiid Ali

Agaasime cusub oo loo Magacaabay Waaxda Warfaafinta ee Madaxtooyada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---