Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweeney loo doortay in ay noqoto Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Britain

Ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Britain ayaa loo doortay in ay noqoto Britain Liz Truss , oo horey u aheyd wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi ,sidoo kale loo doortay hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka ee Conservative.

Liz Truss, ayaa loolan adag oo doorasho la gashay wasiirka maaliyadda dalkaasi Rishi Sunak , waxaana ugu dambeyn haweeneydan si rasmi ah loogu doortay in ay noqoto Ra’isul Wasaaraha cusub ee UK .

Haweeneydan Ra’isul Wasaaraha loo doortay ayaa bedeli doonta Ra’isul Wasaarihii hore ee Britain Boris Johnson , oo horey isku casilay kaddib markii ay lasoo gudboonaadeen fadeexooyin dhoor ah.

Dalka Britain ayaa horey xilka Ra’isul Wasaaraha waxaa marar kala duwan usoo qabtay haween, waxaana dalkaasi siyaasadiisa markan hoggaamin doonta  Liz Truss oo kamid aheyd siyaasiyiinta dalkaasi ugu saameynta badneed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo ka digtay arrin ku soo wajahan dalka oo sii dheereyn karta abaaraha jira

Caydiid Ali

Soomaalida Magaalada Zwolle [Nederland] iyo saameynta uu ku yeeshay Covid 19

Caydiid Ali

Ogow tirada Xildhibaanada la doortay, inta Dhiman & sida maamulada ugu kala horeeyaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---