Shacabka Muqdisho oo hal arin iska weediinaya sida uu ku dhacay Weerarkii shalay

Magaalada Muqdisho ayaa wali si weyn looga hadal hayaa qaraxyadii iyo weerarkii kale ee shalay dagaalyahano katirsan Al Shabaab ku qaadeen xarunta Otto Otto ay degan yihiin Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga.

Weerarkan waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah , ciidan iyo sidoo kale qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradaha Arimaha gudaha iyo Amniga.

Magaalada Muqdisho ayaa mudo labo bil ku dhaw ka nasatay qaraxyada ismiidaaminta ah iyo weerarada toos ah ay Al Shabaab ka geesan jireen Muqdisho, amaanka magaalada ayaana ahaa mid degan oo maalmo badan bilaa qarax ahaa.

Ciidamo badan oo katirsan kuwa Xasilinta ayaa lasoo dhigay Isgoosyada magaalada Muqdisho halka wadooyinka jid cadayaasha ah lagu jaray dhagxaan , ciidamadan ayaana mararka qaar wadooyinka u diida dadka shacabka ah .

Arinta ay shacabka Muqdisho isweediinayaan ayaa ah hadii wadooyinka dhagxaan lagu jiray sidee ragan hubeesan iyo baabuurta qaraxyada saaran kaga gudbeen Koontaroolada ay joogaan ciidamada amaanka oo la ogyahay in gaadiidka lagu baaro.

Saraakiisha laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin isweediinta shacabka ee ku aadan sida ay Isgooska Sayidka oo la ogyahay in Koontaroolo badan ka horeeyaan ku gaareen rag hubeesan iyo gaadiid qaraxyo wada.

Mid kamid ah dadka falanqeeya arimaha amaanka ayaa sheegay in dhibaatada jirta ay tahay in ciidamada amaanka kaliya baaraan gaadiidka ay shacabka wataan balse aysan joojin amaba baarin gaadiidka ay saaran yihiin raga hubeesan ee xiran dareeska ciidanka.

Baraha ay joogaan ciidamada amaanka ayaa lagu arkaa gaadiid ay wataan ciidamo hubeesan oo si fudud ko dhaafaya halka gaadiidka shacabka wadada laga celiyo ama la galinayo safaf dhaadheer si baaritaano adag loogu sameeyo.

Ragii shalay weerarka ku qaaday xarunta Otto Otto ayaa watay dareeska ciidanka dowlada, waxa ayna iska soo dhigeen ciidamo katirsan dowlada iyagoona si fudud kusoo maray koontaroolada ciidanka dowlada.

Masuuliyada weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho wali ma jirto cid qaadatay oo dowlada iyo laamaha amaanka katirsan, mana jiro war kasoo baxay dowlada oo ku aadan dayaca uu ku yimid qaraxyada iyo weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -