Ciidanka Xasilinta Muqdisho oo la sheegay in Sharci daro ku dhisan yihiin

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed  ayaa shaki galiyay sharci ahaanshaha ciidanka Xasilinta ee ka howlgala inta badana Koontaroolada kuyaala magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Wasiirkii hore ee Amniga hadana ah Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka in aysan jirin wax sharci ah ay ku dhisan yihiin ciidanka loo yaqaan Xasilinta, waxa uuna tilmaamay in ciidankan jiritaankooda xad gudub ku yahay qodobo dastuuri ah.

Xil.C/rasaaq Cumar ayaa sheegay in Guddiga Amniga ee golaha shacabka kala hadleyn Wasiirka Amniga sharci ahaanshaha ciidanka Xasilinta, waxa uuna tilmaamay in Wasiirku u sheegay in ciidankan KMG yihiin balse la dhaafay waqtigii KMG-ka loogu tala galay .

Wasiirkii hore ee Amniga ayaa sheegay in qaraxyada ka yaaraday magaalada Muqdisho bilihii lasoo dhaafay aysan ku imaan howlgalada ciidamada Xasilinta iyo jidadka la xiray balse ku timid weerarada Mareykanka ku hayeen kooxda Al Shabaab.

Wasiirkii hore Amniga Gudaha ayaa sheegay in waddooyin la xiro aan lagu keeni Karin Amniga Muqdisho, waxa uuna ku taliyay in la helo qorshe lagula dagaalamayo Shabaabka weerarada Fulinaya.

Hadalka Wasiirkii hore ee Amniga ayaa kusoo aadaya xili shalay magaalada Muqdisho ka dhaceen qaraxyo iyo weerar toos ah oo lagu qaaday xarun ay degan yihiin Wasaaradaha Arimaha gudha iyo Amniga oo kuyaala goob amaankeeda si weyn loo adkeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -