Hooyooyin Ilmeenaya oo banaan bax ka dhigay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho banaan bax ka dhigay waalidiin Soomaaliyeed oo dhalay qaar kamid ah dhalinyaro tababar loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaa oon caruurtooda in mudo ah warkooda heyn nolol iyo geeri.

Waalidiinta banaan baxa dhigayay oo u badnaa haween ayaa sitay boorar ay ku dalbanayeen in caruurtooda intii nool dib loogu soo celiyo, waxa ayna sheegeen in caruurtooda aysan ku ogeyn nolol ama geeri ayna mudo ka maqan yihiin.

Hooyooyinka banaan baxa dhigayay qaarkood ayaa indhahooda waxaa ka socday ilmo xoogan, waxa ayna sheegayeen in wiilasha ka maqan qaarkood kusoo koriyeen agoonimo iyo daruufo adag oo dhinaca nolosha ah.

” Hal wiil ayaan owlaad ka heestay iina ahaa wiil iyo gabar, niman ayaana iga qaatay wiilkayga oo Eritrea geeyay, aduun iyo aakhiro ma cafinaayo kuwii sidaan noo murijiyay oo owlaada naga qaatay” ayey tiri mid kamid ah hooyooyinka banaan baxa dhigayay.

Madaxda dowlada ayey ugu baaqeen waalidiintan banaan baxa dhigayay in caruurtooda dib ugu soo celiyaan, waxa ayna sheegeen in banaan baxyada sii wadi doonaan inta caruurtooda ka maqan ka helayaan.

Banaan baxayan ayaa imaanaya xili Qaramada Midoobay sheegtay in qaar kamid ah dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea dagaal loo geeyay Gobolka Tigrey, dowlada Soomaaliya ayaan horey u beenisay in dhalinyaro Soomaaliyeed la geeyay Tigrey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -