Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka oo ku baaqay in la qaado Tallaabooyin lagu xakameenayo NISA

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay digniintii ay soo saartay Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya oo ku aadanaa in ay socdaan qorshe la doonayo in lagu dilo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in digniinta Hay’adda Nabad Sugida soo saartay ay muujineyso niyad jabka iyo argagaxa kooxda Nabad iyo Nolol ka qabaan qabsoomida Doorashada.

Waxa uu cadeeyay Cumar Cabdirashiid haddii aan la soo saarin tillaabooyin lagu xakameynayo madaxda hay’adda NISA in ay suurto gal noqoto taliska NISA in ay isku bedesho meel khataro badan laga maleego.

“Si kastaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeysay ee twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa argagaxa N&N ee ku aaddan qabsoomida doorashada. Haddii aan la soo saarin tillaabooyin ku filan oo lagu xakameynayo madaxda NISA, hay’addu waxay noqon doontaa tiyaatarka lagu qorsheynayo hawlo xunxun oo khatar gelinaya doorashada” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Digniinta kasoo baxday Hay’adda NISA ayaa abuurtay shaki badan oo laga qabo in ay jiraan qorshayaal badan oo lagu fashilinayo doorashada sidoo kale dalka looga abuurayo xaalad ammaan daro oo abuuri karta qas iyo jahewareer kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=C7HqZlLNE2s

Related posts

Waayeelkii ku lumay Saxaraha ee uu soo badbaadiyay Eygiisa (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii ka qarxay Garawe iyo Puntland oo eedeesay DF

Cabdi Cade

War Murtiyeed laga oo saaray shirkii Madasha Xisbiyada Qaran uga socday Turkiga (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---