Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay kulankii Madaxweyne Deni & Madaxda Shirkadda DP-WORLD?

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta kulan la qaatay Madaxda Shirkadda DP-WORLD, si loo dardargeliyo oo dhakhso loo billaabo dhismaha iyo balaarinta Dekadda Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa kulan mirro dhal ah la qaatay Suhail Al Banna oo ah Masuulka DPWORLD u qaabilsan Bariga dhexe iyo Africa, waxaana la isla gaaray in sida ugu dhakhsiyo badan loo billaabo Balaarinta iyo Dhismaha Dekadda Boosaaso.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Kuwaasi oo markii Kulanku dhammaaday booqasho ku tegay Dekadda Jabal Cali iyo Xafiiska DPWORLD.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimid lagu dhaliilayey inuu ka gaabiyey Sidii loo dhaqaajin lahaa Shaqada balaarinta Dekadda Boosaaso.

https://www.youtube.com/watch?v=Gj6-PmorvKA

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey qalalaasaha ka dhex aloosan Farmaajo iyo Rooble

Caydiid Ali

Abiy Ahmed oo tilmaamay hal caqabad oo hor taagan xalinta colaada gobolka Tigray

Caydiid Ali

Farmaajo oo Muqdisho ka dhoofay Villa Soomaaliya oo ka hadashay ujeedka Safarkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---