Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Abiy Ahmed oo tilmaamay hal caqabad oo hor taagan xalinta colaada gobolka Tigray

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka hadlay go’aanka dowladdiisa ay ku xaqiijinayso in nabad waarta ay ka dhalato dalkaas kaddib shan iyo toban bilood oo dagaallo ah.

Isagoo khudbad u jeedinayay hogaamiyayaasha shir madaxeedka Midowga Afrika, ayaa Abiy Axmed waxaa uu sheegay in colaadda gobolka Tigray ay sii cakirantay faraglinta shisheeye.

Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu wadahadalo la furayo kooxaha diidan maamulkiisa, hase ahaatee waxaa uu ka digay in ciidamada dowlada ay qaadi doonaan talaabooyin lagama maarmaan ah haddii loo baahdo.

Abiy ayaa ku baaqay in loo baahanyahay in caqabadaha Afrika xal loo helo wuxuuna sidoo kale dhaleeceeyay warbaahinta reer galbeedka ee dhanka tabinta dhacdooyinka Afrika.

Maraykanka,wadamada Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa si joogta ah u iftiimiyay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ay geysanayaan dhammaan dhinacyada ku dagaallamaya gobalka, taasoo ka careysiisay madaxda Itoobiya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

.

Related posts

Bangiga dhexe oo markii ugu horraysay bixiyey ruqsadda adeegga lacagaha taleefanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Shir Muhiim ah oo ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Maxay siyaasiyiinta ugu caansan mucaaradka ku diideen kulanka Qoorqoor?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---