Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble oo Somaliland u fasaxay lacag ku dhow 12 milyan oo Dollar (Sababta)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta Dowladda.

Go’aankan  ayaa lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble

Lacagtan ayaa qeyb ka aheyd deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland.

Sababta lacagtan loo fasaxay ayaa lagu sheegay iney tahay si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Talaabadan ayaa timid xili galabta raisul wasaare Rooble iyo ganacsatada Muqdisho oo kulan yeeshay ay shaaciyeen iney 3 Milyan oo dollar ugu deeqeen gurmadka dabkii baabiyey suuqii weynaa ee Hargeysa.

https://www.youtube.com/watch?v=Gj6-PmorvKA

Related posts

Facebook oo tallaabo adag qaadaysa haddii Maraykanka laga ansixiyo sharci cusub

Cabdi Cade

Maraykanka oo labo todobaad u qabtay Turkiga & Xiisada labada dal oo ka sii dareysa

Caydiid Ali

Yaa ka dambeeyey dilka Aamina Xuseen Xasan?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---