Booliiska Kenya oo qabtay koox weerar dhagxaan ah ku qaaday Raila Odinga

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay dad loo heesto in weerar dhagax tuur ah ku qaadeen diyaarad nuuca qumaatiga u kaca uu la socday hoggaamiyaha  xisbiga Azamio ahna musharax Madaxweyne Raila Odinga.

Dad careesan oo dhagxaan watay ayaa weerar ku qaaday diyaarada uu la socday Ra’ila xilli ay ka degtay deegaanka lagu magacaabo Sooy uu uga qeyb galayay aas halkaasi ka dhacayay.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa laga arkayay dad dhagxaan ku weerararay diyaarada uu la socday Ra’ila Odinga oo horey usoo noqday Ra’isul Wasaaraha dalka Kenya, waxaana dhagxaanta waxyeelo gaarsiiyay daaqaha diyaarada.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada booliiska Kenya ayey kusoo xireen 17-qof oo lagu tuhmayo in weeararkan ku lug lahaayeen, booliiska ayaana baaraya sababta ka dambeesay weerarkan lagu qaaday hoggaamiyaha xisbiga Azamio.

Xubno katirsan xisbiga Azamio ayaa weerarkan lagu qaaday hoggaamiyahooda ku tilmaamay mid qorsheesan oo siyaasad ka dambeesay, waxa ayna xubnahan codsadeen in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -