Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Kumaandooska oo gacanta ku dhigay gaari qaraxyo waday iyo ragii la socday

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ay wehliyeen ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaano kuyaala gobolka Mudug kusoo qabtay xubno katirsan Al Shabaab iyo gaari ay wateen.

Saraakiisha ciidankan hoggaaminayay ayaa sheegay in deegaanka Cadale oo kuyaala inta u dhaxeeysa wisil iyo Bajeela ee gobolka Mudug ku qabteen gaari qaraxyo saarnaayeen iyo rag katirsan Al Shabaab oo la socday.

Ciidamada ayaana xabsiga u taxaabay xubnaha katirsan Al Shabaab ay qabteen, waxa ayna sheegeen saraakiisha in baaritaano dheeraad ah lagu sameyn doono ragan la qabtay oo watay gaari ay u saarnaayeen qaraxyo miino ay doonayeen in ay aasaan.

Saraakiisha ciidanka Danab iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in raga la qabtay doonayeen in qaraxyo galiyaan waddada u dhaxeysa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo balse xogtaasi heleen kana hortageen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Gj6-PmorvKA

Related posts

Duqa Muqdisho oo ka hadlay tiknoolajiyada casriga ee maamulkiisu adeegsado

Cabdi Cade

Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Danjirayaal Cusub (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

 Bushaaro: Dugsiga Amiin Quran Online oo fursad qaaliya u haya qurbajoogta Soomaliyed wakhtiga summer-ka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---