Dil naxdin leh oo ka dhacay Hargeysa & faahfaahino ka soo baxaya

Waxaa galabta lagu dilay Xaafadda Calaamadaha  ee magaalada Hargeysa haweeney lagu magacaabo Hodan Muxumed Cabdi.

Waxaana dilkeeda loo adeegsaday Toorrey, iyadoo dad Goobjoogayaal ahi ay sheegeen in ruuxa dilka gaystay uu ahaa seygeedii ama ninkii qabay  ka dib muran soo kala dhex galay.

Haweenaydan ayaa ahayd Hooyo haysata 5 carruur ah iyadoo haatan lahayd uur 7-bilood lagu sheegay, iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in ninka dilka geystay uu baxsaday

Xaafada uu dilku ka dhacay waxaa iskugu soo baxay dadweyne fara badan oo ka tirsan dadka degaanka, iyadoo Booliska Somaliland oo halkaas gaareyna ay bilaabeen baaritaano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -