Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midobay oo ansixiyey howlgalka ATMIS ee Somalia

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay ansixinta hawgalka cusub ee nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Somalia, ee loosoo gaabiyo ATMIS, oo bedelaya hawlgalka Midawga Afrika ee haatan ee AMISOM.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP Qaraarka lagu meelmariyey hawlgalkan cusub ayaa lagu xusay in si aayar-aayar ah loo dhimo shaqaalaha hawlgalka oo haatan ah illaa 20,000 oo isugu jira militari, boolis iyo shaqaale rayid ah, ilaa la gaarsiyo eber sannadka 2024.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres wuxuu taageeray sii socoshada hawlgalkan, isaga oo ku taliyey in hawsha dhimista loo qaybiyo illaa afar weji.

Hawlgalkan cusub ee ATMIS oo bedelaya hawlgalka AMISOM oo wakhtigiisu ku ekaa Khamiistii shalay ahayd, ayaa ka shaqayn doona inuu u diyaariyo laamaha ammaanka ee Soomaaliya inay la wareegaan masuuliyadda amniga dalka

Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo bishan hayey xilka madaxweynaha golaha ammaanka ee wareega ayaa ku dhawaaqday in qaraarkan la meermariyey, ka dib bilo badan oo la soo yeeshay wadahadalo wax ku ool ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo ka hadashay sababta uu u daba dheeraaday kiiska dilkii Caai’sho Ilyaas

Caydiid Ali

Ciyaaryahan hore uu Dhalay Hogaamiyihii Liibiya oo Xabsi laga sii daayay

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo taageray guddigii uu magacaabay Axmed Madoobe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---