C/raxmaan C/shakuur: “Khalqal amni, Qalaalase siyaasadeed iyo Quus shacab ayuu dalku galay”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ka hadlay xaalada xiligan uu marayo dalka, isagoo walaac ka muujiyay amni darada ka jirta dalka oo uu sheegay iney xoogeysatay.

Qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in qalalaasaha siyaasadeed uu uga sii daray amni daradii jirtay

“Dalkeennu wuxuu marayaa marxalad adag oo xasaasi ah. Waxaa la abuuray jawi iyo xaalad keentay kala aamin bax, hubanti la’aan iyo jahwareer siyaasadeed. Waxaa kaloo jira qalqal amni, qalaalase siyaasadeed iyo quus shacab. Sababta ugu wayn ee siyaasaddii dalka sidatan ka dhigay waa in xukunkii iyo taladii dalka, federaal iyo gobolba lagu takri falay, la isugu muruq iyo awood sheegtay, la iskuna dulmiyey “ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale Qoraalkiisa ku sheegay” Si dalka looga saaro jahwareerka iyo hubanti la’aanta waa in aan awoodda isugu geeynaa in 14-ka bisha April, sidii balantu ahayd xildhibaannada la dhaariyo, Baarlamaanka cusubna talada dalka la wareego, guddoomiye u doortaan ruuxa ugu da’da weyn, lana doorto guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka.”

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku soo gaba gabeeyay qoraalkiisa

“Dalku wuxuu u baahan yahay geedi iyo hoggaan cusub oo rajo iyo yididdiilo abuura, oo caqabadaha fursad u beddela, soo burqiya awooda dadnimo ee dadkeena ku aasan, dhisa kalsoonida iyo is aaminaada dhexdooda ah, ka daba geeya asaaggood, danteenna iyo tan dunidana isku tola.”

- Advertisement -