Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha wasiirada Maamulka Somaliland? (Sawirro)

Fadhigii 90-aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagaga hadlay qodobbo dhawra.

Ugu horreyn, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaarta, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha la wadaagay xaaladda abaarta ka jirta dalka, howlaha gurmadka abaarta ee ay waddo guddidu, bulshada abaartu saamaysay ee wax loo qaybiyey ilaa hadda, iyo deeqaha soo gaadhay guddida. Sidoo kale waxa madaxweyne ku-xigeenku ka warramay roobabkii dhawaan ka da’ay qaybo ka mid gobollada dalka, isaga oo xusay in meelaha qaar ay ka da’een roobab lagu qabowsaday.

Goluhu waxa kale oo uu warbixinta Amniga dalka ka dhagaysta wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed, isagoo ka xog-warramay xaaladda amniga ee dalku halka uu marayo.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa shirka golaha wasiirrada horkeenay qoraal faah-faahsan oo ku saabsan wax ay shareecada Islaamku ka qabto carruurta la tuuro ee aan la aqoon cidda dhashay iyo sida loola dhaqmayo.

Gaba-gabadii shirka, Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa golaha uga xog-warramay safarkii dhawaan uu ku tagay dalka Maraykanka, waxana uu tilmaamay Madaxweynuhu, in safarkaasi guul ugu soo dhammaaday, isaga xusay in dowladda Maraykanku ay diyaar u tahay in ay la shaqayso Somaliland, waxna ay wada-qabsadaan, qodobbo badanna labada dal ay iska-kaashan doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Wasiir ka tirsanaa Xukuumadda Somalia oo goor dhow geeriyooday

Caydiid Ali

Hogaamiye caan ah oo lagu soo oogayo dembi culus oo ah inuu laaluush qaatay

Caydiid Ali

Rooble oo ka hadlay Qoraalkii Farmaajo iyo Ciidanka xafiiskiisa la wareegay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---