Musharax Madaxweyne Danjire Jamaal Axmed Ibraahin oo dardar geliyey ololihiisa doorashada

Musharax Madaxweyne Jamaal Axmed Ibraahim wuxuu ku dhashay Degmada Blacad ee gobolka Sh/dhexe  Sanadkii 1967, Waxbarashadiisa Hoose, Dhexe, Sare iyo Jaamacad wuxuu ku soo qaatey Wadamadda Deriska la ah Soomaalia qaarkood.

Waa aqoonyahan haysta shahaadooyin kala duwan, isagoo shahaadada labaad ee Master Degree ka qaatay  xalinta khilaafaadka & dhismaha nabada.

Jamaal oo ka mid ah Musharixiinta ugu cad cad Tartanka Madaxweyninimada Soomaaliya ee dhowaan la qaban doono waa rug cadaa Siyaasada ku soo jirey muddo ka badan 23 sanno, isagoo saameyn ku yeeshay Arrimaha Amniga, Dhaqaalaha, Diblomaasiyada iyo dib u heshiisiinta.

Musharax Jamaal Wuxuu sanado ka soo shaqeeyey Urur Goboleedka IGAD isagoo xubin firfircoon ka noqdey Ururkaas.

Ambassador Jamaal Ahmed Ibraahim ayaa ka mid ah musharaxiin fara ku tiris ah oo loo saadaalinayo in midkood uu ku guuleysan doono doorashada hogaanka Somalia.

Jamaal Ahmed Ibraahin waxaa uu mar ku sigtay in Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed uu u magacaabo Xilka Raisul Wasaaraha dalka, ka hor inta aan la magacaabin Marxuum Ex-RW Nuur cadde.

Mudane Jamaal  wuxuu ka mid ahaa Dadkii loo xilsaarey soo guuridii Dowladdii lagu dhisey Nairobi sidoo kale 2002- 2004 wuxuu ka mid noqdey Maammulkii Magaaladda Jowhar isagoo Maamulkaas ka noqdey Xubin Firfircoon, ka dibna wuxuu noqdey Xoghayaha joogta ee Wasaarada Qorsheyn Qaranka.

Musharax Jamaal wuxuu qayb ka qaatey sidii Haweenka u heli lahaayeen qoondadooda ay ku leeyihiin Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada, sidoo kale Ambasadoor Jamaal wuxuu dadaal u galey sidii heshiis u gaari lahaayeen Maamulka Galmudug ee Madaxweynaha ka ahaa Mudane Axmed Ducaale Xaaf iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Musharax Jamaal waxaa lagu Xasuustaa kaalintii uu ka qaatey Dhismihii Maamulkii Hirshabeelle maadaama Dowladii Xiligaas jirtey ay ka quusatey dhismaha Maamulkaas, taasina waxay keentey inuu Abaal marin ku muteysto, sidoo kale Musharax Jamaal waxaa Sannadkii 2018 Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed Gudoonsiiyeen Shahaado Sharaf uu ku muteystey Kaalintii uu ka lahaa Xalintii Khilaafaadkii Siyaasadeed ee ka dhashay Sameynta Maamuladii Koonfur Galbeed, Hirshabeele, Jubbaland iyo Galmudug.

Ambasadoor Jamaal Axmed Ibraahim wuxuu ka qayb qaatey sidiì xal waara u gaari lahaayeen Maamulada Somaliland iyo Puntland maadaama ay dhex mareen Dagaalo sidoo kale wuxuu kaalin ka qaatay Dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyn Ambasadoor Jamaal wuxuu ka qayb qaatey sidii wada shaqeyn dhexmari lahayd Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ahaa Maskaxdii ka dambeysey in Ciidamada Soomaaliya lagu  tababaro Gudaha dalka maadaama Kharash badan uu ku baxayey Tababaradda Dibadda, sidoo kale wuxuu ka qayb qaatey Kobcinta Shaqaalaha Soomaaliyeed isagoo dadaal u galey sidii shaqaalaha Dowladda iyo Maamul Goboleedyada u heli lahaayeen Xaquuqdooda.

Shaqsiyadiisa Jamaal Ahmed Ibraahin waa nin Ehlu-diin ah, Dhowrsoon, Go’aamadiisa ku saleeya xog raadin fara badan iyo la Tashi, waa shaqsi iney cadaaladu Guuleystao oo ka hufan Eex. Musuqmaasuq iwm.

—————————————————————————————————–

 

- Advertisement -