Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taalada Dajirka dahsoon oo dayactir lagu sameeyey & Cumar Filish oo kormeeray (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kormeeray  dhismaha Taalada Daljirka Dahsoon oo dayactirkeeda la dhameestiray isla markaana si casri ah dib u dayactir loogu sameeyay.

Xarunta Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere ayaa ka mid ah goobaha taariikhiga ah ee Caasimadda ku yaala, iyadoo haatan si casri ah dib u habeyn loogu sameeyay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney ka go’an tahay maamulkiisa dib u dhiska iyo soo celinta bilicda Muqdisho.

Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa uigu baaqay shacabka gobolka Banaadir iney ka shaqeeyaan nadaafada iyo bilicda xaafadahooda, isagoo xusay in maaamulka gobolka uu arrintaas gacan ku siin doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciida

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo War ka soo saaray Go’aankii ka soo baxay Guddiga doorashada

Caydiid Ali

Qeybo ka mid Suuqyada waaweyn ee Muqdisho oo saaka xiran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---