Allbanaadir.com
NEWSStars

Qeybo ka mid Suuqyada waaweyn ee Muqdisho oo saaka xiran

Waxaa saaka xiran qeybo ka mid ah Suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay dhaqan gashay shaqo joojin ay ku dhawaaqeen ganacsatada magaalada.

Suuqyadaas Waxaa ka mid ah Suuqa Bakaaraha, Suuq bacaad iyo Suuqyo kale oo ku yaalla magaalada inkastoo qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ay furan yihiin

Shaqo joojintan ayaa timid kaddib markii Wasaaradda Maaliyadda ay soo rogtay canshuuraha iibka loo yaqaan VAT oo laga qaadayo Merchant oo ah akoonada ganacsiga taasoo ay ka gadoodeen ganacsatada.

Ganacsatada ayaa sheegay in dowladu iyadoo aan xalin cabashooyin ay hore ugu gudbiyeen ay misana soo rogtay canshuur cusub taasoo ay sheegeen iney ka caroodeen.

Cabashooyinka ay rabaan in wax laga qabto ayaa waxaa ka mid ah lacago sharci daro ah oo ay sheegeen in looga qaado dekeda Muqdisho, kuwaasoo ka baxsan canshuuraha la siiyo DF.

 

Related posts

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo si kulul u dhaleeceyey talaabo uu qaaday Laftagareen

Caydiid Ali

Nin Xaaskiisa si arxan darro ah ugu dilay Qoryooley iyo dilaaga oo la qabtay

Cabdi Cade

DEG DEG: Farmaajo oo War kulul ka soo saaray heshiiska Wasiirka Batroolka uu saxiixay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---