Dagaal culus oo caawa dhax maray Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna

Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa caawa saqdii dhaxe duleedka magaalada Dhuusomareeb ku dhax maray ciidamada dowladda ay wehliyaan kuwa Galmudug iyo kooxda Ahlu Sunna.

Sida aan wararka ku helmay dagaalkan culus ayaa qarxay kaddib markii maleeshiyaad katirsan Ahlu Sunna jidka u galeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo ka baxay Dhuusomareeb , waxaana ciidankan weerarku ku qabsaday  deegaanka Balli-Bire .

Ciidamada huwanta iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa is weedaarsaday hub nuucyo kala duwan leh, waxaana wararku sheegayaan in ay jiraan khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo labada dhonac kala gaaray.

Waxaa adag in xog badan laga helo aaga dagaalka xilliga oo ah haween darteed, waxaana magaalada Dhuusomareeb saacaan laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee halkaasi ku sugan.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa fariisin ku leh deegaanka Bohol ee dhaca duleedka Dhuusomareeb, waxaana la sheegay in ciidamada Ahlu Sunna marar badan soo gaareen deegaano aaa ugu dhaw magaalada Dhuusomareeb iyaga oo dhaqdhaqaaqyo wada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -