Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo eedeeyn cusub u jeedisay Madaxweyne Xassan Shiikh

Puntland ayaa ku eedeeysay Dowladda Soomaaliya inay reer SSC ku cadaadinayso inay la heshiiyaan Somaliland si loo soo afjaro dagaalka mudada dhowrka bilood ah ee ka socda Laascaanood.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa sheeray in arrintan ay cadeyn u tahay in dowlada Somalia ay raali ka tahay dhibaatada Somaliland ka wado Laascaanood.

Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa intaas ku daray inay taageersan yihiin hadalkii uu sheegay Garaad Jaamac Garaad Cali, kaasoo ahaa in dowladda federalka Soomaaliya ay Somailand ku garab siineyso duullaanka ay magaalada Laascaanood ka wado.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayuu ku eedeeyey wasiirku inuu indhaha caalamka ka sii jeedinayo xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanood, taa beddelkeed uu ku mashquulsan yahay in wadahadalo lala bilaabo Somaliland.

“Xasan waxaa uu doonayaa in gaar loo jaro SSC Senatoradii yimid magaalada Garowe waxay sheegeen in Gudoomiye loo soo magacaabi doono marka la xoreeyo SSC.” ayuu yiri Wasiir Caydiid

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmay Golaha sare ee SSC ay raali galin ka bixiyeen hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali ee ahaa iney la safan tahay Somaliland, waxayna sheegeen in DF ay waxtar mooyee dhibaato ku heynin shacabka SSC.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi caan ah oo qiimeyn ku sameeyay Warkii kasoo baxay dowlada Mareykanka

Cabdi Cade

Talibaan oo dishay Hoggaamiye katirsanaa Daacish oo ka dambeeyay Weerar dad badan ku dhinteen

Cabdi Cade

Madaxweyne Lafta Gareen oo qaaday talaabo shaki ku abuurtay Villa Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---