Madaxweyne Biixi oo Digniin adag kasoo saaray Faragalin maamulkiisa lagu hayo

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay 18-ka May ayaa sheegay in maamulkiisu wali ka quusan in ay helaan ictiraaf ayna noqdaan dowlad madax banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland dhiig badan uga daatay sidii u noqon laheyd dal madax banaan, waxa uuna xusay in dowlada federaalka Soomaaliya caqabad ku tahay sidii Somaliland u heli laheyd aqoonsi .

“Maanta dalalka boqol iyo dhowr iyo sagaashanka dowladood ee aduunka jira dowladda qudha ah ee aan ogleyn ee ka soo horjeeda qaranimada Soomaaliland waa dowladda Xamar ka dhisan ee watigeeda dhamaaday, Somaliland haddii aanu nahay waxaanu leenahay Soomaaliya iska dhaaf ee sanku-neeflaha aduunka oo dhan baanu rabnaa inaanu dhexdiisa aanu nabad ku wada noolaano,,” ayuu yiri Mr Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ka digay faro-gelinta iyo carqaladaynta ay Dowlada federaalka ku hayso Somaliland, waxana uu sheegay in haddii aanay colaadintaas ka waantoobin ay keeni doonto Aafo riiq dheeraata oo ku habsata, guud ahaanba shucuubta Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -