Allbanaadir.com
MUQDISHOMUUQAALONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo la kulmay Maxamed Xaaji iyo wafdi uu horkacayey

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Saraakiil ka socda Midowga Europe oo ka shaqeynaya dhismaha Wadada isku xirta Garoowe-Gaalkacyo, wafdiga Midowga Europe ka socday waxaa hoggaaminayay Maxamed Xaaji oo ah Maamulaha Mashruuca lagu dhisayo wadada Gaalkacyo-Garoowe.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Europe doorkooda ku aadan dhismaha wadooyinka iyo maalgelinta Biyaha, Madaxweynaha ayaa la wadaagay Midowga Europe in Dowladdu ku bixisay malaayiin Doollar dhismaha wadooyinka ayna u mahadcelinayso cidkastoo kala qeyb qaadanaysa.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirka Qorsheynta Ahna Xildhibaan DFS Mudane Cabdiqafaar Xaange iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashii Cali.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Jovenel Moise oo goordhaw gurigiisa lagu dhax dilay

Cabdi Cade

Maxaa xiligaan keenay in dowlada Itobiya ay ciidan iyo hub soo geliso Soomaaliya!!

admin

Shir Xasaasi ah oo dhax maray Ra’isul Wasaare Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---