Shir Xasaasi ah oo dhax maray Ra’isul Wasaare Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada xil-gaarsiinta ee dowlada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir albaabada u xirnaayeen teenadhada Afisiyooni kula qaatay wakiilo katirsan beesha Caalamka.

Sida aan wararka ku helnay shirkan ayaa looga hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arimaha doorashada iyo amaanka oo dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya ku wareejiyay Ra’isul Wasaare Rooble.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale kawada hadlay shirka uu dhawaan ku baaqay Rooble ee la filayo in isugu yimaadaan Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamulada.

Beesha Caalamka ayaana Ra’isul Wasaare Rooble u balan qaaday in ay gacan ka geesan doonaan qabsoomida shirka uu iclaamiyay 20-ka bishan in la isugu yimaado Muqdisho iyo sidii isku soo dhawaansho loo gaari lahaa.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wareejiyay howlaha doorashada iyo amaankeeda, waxaana Xukuumada uu hogaamiyo Rooble laga sugayaa qabashada doorasho u dhacda si xor iyo xalaal ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -