Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Doorashadii kursiga Hop11 ee ka socotay Magaalada Baladweyne oo laga kala cararay

Waxaa joogsatay doorasho ka socotay hoolka doorashada ee Magaalada Beledweyne ka dib markii ay magaalada ka dhaceen qaraxyo fara badan oo dhimasho sababay.

Doorahada socotay ayaa waxaa ku tartamayey Wasiirkii hore ee amniga DF, Cabdirisaaq Cumar Max’ed iyo Musharax lagu magacaabo Maxamed Cumar Barrow.

Goob-joogayaal ayaa sheegayay in lagu kala cararay hoolka doorashada ka socotay, waxaana ooda jabsaday ergooyinkii hoolka ku sugnaa iyo gudigii doorashada, iyadoo Magaalada gudaheeda laga maqlayo dhawaaqa rasaas iyo qaraxyo.

Qaraxii koowaad ayaa waxaa lagu dilay Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd musharaxiinta u taagan doorashada golaha shacabka ee ka socota magaaladaas.

 

Related posts

Khayre oo ka hadlay Heshiiska Doorashada ee ay ansixiyeen labada Aqal

Caydiid Ali

Dugsiga Bilaal Islamic Online oo Bushaaro muhiim ah u haya Qurbojoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Dal dhalshada kala noqday dad ku dhaw 2-Milyan qof oo u badan Muslimiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---