Akhriso: Warqadii lagu damiintay C/raxmaan C/shakuur iyo Shuruudo adag oo lagu xiray Damaanadii lagu daayay 

Waxaa xalay xabsiga damiin looga sii daayay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo dhoor habeen kahor ciidamada amaanka ka xireen gurigiisa, isagoo lagu eedeeyay in uu galay Dambiyo ay ugu weyn tahay Qaran dumis.

Sida ku cad qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta Qaranka waxaa qaab damaanad ah lagu sii daayay Siyaasiga C/Raxmaan C/shakuur, waxaana damiintay Madaxweynayaasha Hirshabelle, Galmudug iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Warqada damaanada ah ayaa waxaa ku qornaa shuruudo adag oo lagu sii daayay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, waxaana shuruudaha ku xusan Warqadan kamid ah in dalka uusan ka bixi karin, in uusan Warbaahinta la hadli karin iyo in uusan ka qeyb gali karin kulamo siyaasadeed , Isku so baxyo iyo Shuruudo kale, waxaana warqadan saxiixay sadexda masuul ee damiintay.

Halkan ka Akhriso Warqada lagu damiintay C C Warsame

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -