Ukraine oo ku gacan seyrtay shuruud Ruushku ku xiray in la soo afjaro dagaalka

Ukraine ayaa sheegtay inaan la aqbali karin soo jeedinta Ruushka ee ah in Ukraine ay qaadato hanaanka siyaasadeed ee dalalka dhex dhexaadka, sida dalka Austria.

Lataliyaha Madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podoliak, oo ah xubin kamid ah kooxda wada xaajoodka ee Ukraine, ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah, heshiis kasta oo nabadeed inuu ahaanayo sida Ukraine dooneyso, kaasoo ilaalinaya madax banaanida.

“Waan faham sanahay isku dayga asxaabteena ee ah iney sii wadaan firfircoonidooda geedi socodka gorgortanka wada hadalka,” ayuu yiri Podoliak.

Wuxuu intaa raaciyey in haatan aan laga wada hadli karin soo jeedinada ku saabsan hannaanka dalalka Sweden iyo Austria, ee dhexdhexaadnimada, maadaama Ukraine ay haatan kula jirto dagaal toos ah dalka Ruushka.

Xubinta kamid ah kooxda wada xaajoodka, ayaa intaa raaciyey in Ukraine nidaamka ay aqbali karto ay tahay mid amni ahaan loo balan qaadayo nabad gelyadooda si buuxda, iyadoo aaney miiska saarneyn wax kale.

Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in Ruushku soo dhoweynayo heshiis nabadeed oo lala galo Ukraine, kaasoo uu dalkani ciidankiisa iyo kuwa baddaba uu noqonayo mid dhex dhexaad ah oo xakameysan.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in wada hadalada ay la leeyihiin Ruushka ay haatan u muuqdaan kuwo macquul ah, oo yeelanaya natiijo mira dhal ah.

- Advertisement -