Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in fannaaniin ay geyn doonaan jiidda hore ee dagaalka ay ka wadaan Ukraine.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in diyaarisay kooxda toddobaadkan baxaysa, iyadoo sheegtay in ay ka koobnaan doonaan fannaaniin iyo muusikiiiste-yaal.
Hase yeeshee waxay su’aal la galiyay in guutada cusubi ay dhab ahaantii mashquulin doonto ciidamada, kuwaasoo horayba ka walaacsanaa heerka khasaaraha aadka u sarreeya, hoggaan xumada, dhibaatooyinka mushaharka, qalab la’aanta, rasaas la’aanta, iyo caddayn la’aanta ujeedooyinka dagaalka.
Dhanka kale, wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa booqday ciidamada jiidda hore ee Ukraine, isagoo ciidamadiisa u sheegay iney ka dhabeeyaan hadafka ruushku ka leeyahay dagaalka
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com