Maraykanka & Ruushka wadahadaladii u horeeyey ka yeeshay dagaalka Ukraine

Aqalka Cad sheegay in La taliyaha amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan uu la hadlay General Nikolay Patrushev oo ah xoghayaha golaha ammaanka ee Ruushka, kaasoo noqonaya xiriirkii ugu horeeyay ee heer sare ah oo dhexmara Washington iyo Moscow tan iyo markii Ruushka uu galay Ukraine.

Sullivan ayaa u sheegay Generaal Patrushev sida uu Maraykanku uga soo horjeedo dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

“Haddii Ruushka uu dhab ka yahay Wadahadal diblumaasiyadeed, waxaa uu joojin lahaa dagaalka uu ku hayo Magaalooyinka Ukraine” ayuu yiri Jake Sullivan

Mareykanka ayaa Ruushka ku soo rogay Cunaqabateyno dhaqaale, si loogu caddaadiyo in uu joojiyo dagaalka uu ka wada Ukraine oo galay Saddex toddobaad oo aysan weli muuqan xabbad joojin rasmi ah iyo guulo la kala gaaray

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in wada hadalada nabadeed ee u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine in aaney aheyn kuwo sahlan balse ay jirto rajo keeneysa in la isku tanaasulo.

Wuxuu intaa ku darey iney hagayaan, oo uu talooyin ka qaadanayaan xubnaha uga qeyb galaya wada hadalada haatan socda. Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa kasoo xigatey Lavrov in wada hadaladu aaney sahlaneyn, sababo jira awgood.

- Advertisement -