Shiinaha ballanqaadyo muhiim ah u sameeyay maamulka Gobolka Banaadir (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay safiirka dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mr. FEI Shengchao.
Cumar Fimish iyo safiirka ayaana kulankooda uga hadlay arrimo muhiim ah ay kamid ahaayeen xoojinta iskaashiga horumarineed ee ka dhaxeeya maamulka gobolka Banaadir iyo Safaarada, fulinta mashaariic wax ku’ool ah iyo arrimo kale.
Guddoomiyaha gobolka ayaana ka codsaday safiirka in Shiinaha gacan ka geesto dhismaha waddooyinka, xarumaha danta guud, horumarinta Arrimaha la xariira Waxbarashada,  caafimaadka iyo Dib usoo nooleynta xarumaha farsamada gacanta iyo shaqa abuurka.
Safiirka dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mr. FEI Shengchao ayaa balan qaaday in maamulka gobolka Banaadir ay ku garab istaagi doonaan horumarinta Caasimadda iyo fulinta mashaariic dhoor ah.
 
Guddoomiyaha gobolka Banaadir  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu danbeyn uga mahadceliyay dowlada Shiinaha iyo shacab keeda doorka muuqda oo ay ka geesteen garab istaaga umada Soomaaliyeed iyo dhismaha waddanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -