Kursi doorashadiisa horey u hakiyeen Guddiga Doorashada oo maanta la doortay (Sawirro)

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal (FEIT) ayaa qoraal ay 13-kii bishan soo saareen waxa ay ku wargaliyeen guddiga maamulka doorashada Koonfur Galbeed SEIT inay hakiyaan doorashada kursiga HOP#204 inta laga saxayo habraaciisa.

Kursiga guddiga doorashada heer federaal hakiyeen ayaa dhawwaan loo diiday in uu u tartamo doorashadiisa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo kamid ah wasiirada aadka ugu dhaw Ra’isul Wasaare Rooble.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo garab ka helaya maamulka Madaxweyne Laftagareen ayaa ka biyo diiday hakinta doorashada kursigaasi, waxaana maanta Baydhabo lagu qabtay doorashada kursigaasi horey loo hakiyay.

Kursiga HOP#204 ayaa loo xiray kuna guuleestay doorashadiisa Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Isaag Cali Subag, ninkan ayaana kamid ah saaxiibada sida aadka ah ugu dhaw Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidan oo kale horey ugu qabtay doorashada kursigii uu ku fadhiyay guddomiyihii hore ee gollaha shacabka Maxamed Cusmaan Jawaari, waxaana wali kursigaasi kamid yahay kuraasta ay hakiyeen shaacinta natiijadiisa guddiga doorashada.

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee laga soo dooranayay deegaanada Koonfur Galbeed ayaa maanta lasoo gabagabeeyay, waxaana kuraasta lagu doortay deegaanadaasi oo dhammaan ahaa kuwa aan u dhicin qaab hufan kusoo baxay xubno uu watay Madaxweyne Laftagareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -