Dowlada Federaalka oo faro galin ku heysa Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Waare

Xildhibaano badan oo katirsan Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabelle ayaa xalay Gudoonka Baarlamaanka maamulkaasi waxa ay u gudbiyeen mooshin kalsoonida kala noqonayaan Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabelle iyo labadiisa kuxigeen ayaa qabtay mooshinka Madaxwene Waare kasoo gudbieyen 57-Xildhibaan , waxaana Madaxweynaha lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo arimo kale.

Waxaa soo baxaya warar sheegaa in dowlada Federaalka Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Waare oo dhawaan heshiis hoose la galay Madaxda dowlada.

Xildhibaan Mahad Xasan oo katirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in Gudoonka Baarlamaanka Hirshabelle ee qabtay Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Waare ay cadaadis kala kulmayaan dowlada Federaalka gaar ahaan Madaxda sare.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Gudoonka Baarlamaanka xiligii ay mooshinka ka qabanayeen Xildhibaanada ay ka muuqatay cabsi badan iyo degenaansho la’aan, waxa uuna cadeeyay in uu jiro cadaadis dowlada Federaalka ku heyso Gudoonka Baarlamaanka.

Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha Hirshabelle ayaan wali la ogeyn cida gadaal ka riixeysa, waxaana mooshinkan imaanayaa xili Waare uu ka furtay Isbaheysigii uu katirsanaa iskuna dhiibay dowlada Federaalka uu la galay heshiisyo hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -