Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xog ku saabsan dayuurado qalab Milateri ka soo dejiyey garoonka Aadan cadde

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dayuurado kuwa xamuulka qaada ah oo maanta qalab milateri ka soo dejiyey garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Dayuuradahan ayaa waxaa la sheegay in laga lahaa dalka Turkiga, waxaana laga dejiyey qalab milateri oo iskugu jiray gaadiid Gaashaaman, iyo saanad kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qalabkan milateri loogu talo galay iney ku howlgalaan cutubyo ka tirsan ciidamada Kumandoska Gorgor ee dhowaan lagu soo tababaray dalka Turkiga.

“Talaabadan siyaasad shaqo kuma laha balse waxay ka tahay heshiis dib loogu dhisayo ciidamada qalabka sida oo ay horey u kala saxiixdeen DF iyo Turkiga, kaasoo iskugu jira tababar iyo qalabeyn” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada.

Turkiga ayaa Duleedka Muqdisho ku leh xero milateri oo lagu tababaro ciidamada DF, isagoo kale dalkiisa u qaada ciidamo uu soo tababaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiyada Dadka oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Adis Ababa iyo Abiy oo soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Shacabka Soomaaliya oo dib u celiyey sharci muran badan dhaliyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---