Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Trump oo sheegay in Biden uu lumiyey heybadii iyo cabsidii laga qabi jiray Maraykanka

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku lumiyay haybadii iyo cabsidii laga qabi jirey intii uu Madaxweyne Biden talada la wareegay

Trump Wuxuu intaas ku daray haddii uu maanta isagu talada hayn lahaa inuu Madaxweynaha Ruushku ku dhiiradeen inuu weeraro Ukraine.

“Hadadan Madaxweyne ahaan lahaa Moosko kuma dhacdeen iney dagaal gasho, Putin wuxuu arkay go’aanada jilicsan ee madaxweyne Biden taas ayaana horseeday inuu talaabadan qaado” ayuu yiri Trump.

Waxaa uu intaas ku daray in Maraykanku uu yahay quwad weyn balse ay ku dhacday hogaan liita oo aan karti iyo go’aamo adag laheyn.

Trump ayaa xusey suurtagalnimada inuu markale usoo istaagi doono jagada Madaxweynenimo ee Mareykanka.

 

 

Related posts

Xukuumada Soomaaliya oo Eedeyn u jeedisay Maamuladii ka hor yimid Sharciga Batroolka

Cabdi Cade

Midowga Wakiilada Duuliimaadka Soomaaliya oo War Saxaafadeed soo saaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Askari katirsan ciidamada Puntland oo dilay Suldaan Xasan Cali Jibriil iyo Gaas oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---