Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Qarax loo maleenayo in uu nuuciisu yahay miinada hareeraha waddooyinka la dhigo ayaa saakay ka dhacay laamiga dheer ee degmada Dayniile gaar ahaan agagaarka xerada Bangalada, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro dhimasho.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxan ayaa lala beegsaday gaari uu watay maamulihii Iskuulka degmada Dayniile Suldaan Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle), waxaana qaraxaan ku dhintay maamulaha.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada oo baaritaano sameeyay halkasai ka qaadeen meydka Maamulaha la dilay oo loo qaaday xarunta dambi baarista CID-da.

Ninkan la dilay ayaa wax badan ku dhax jiray bahda waxbarashada , waxa uu sidoo kale kamid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uuna ka shaqeeyay in dib loo furo waxna lagu baro iskuukii dowladda ee kuyaalay agagaarka xarunta degmada Dayniile.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=WmTPr1fIxDQ

Related posts

Amb.Cawad “Qadar kuma lug lahan Qaraxyada ka dhaca Soomaaliya iyo Jawaabtaas oo lagu qancin !!

admin

Al Shabaab oo weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday talis weyn

Cabdi Cade

Magacaabista Fahad Yaasiin Maxey ka badali kartaa Hay’ada Nabad Sugida ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---