Ruushka oo hub iyo taageero kale ka codsatay miod kamid ah Wadamadda Caalamka

Dowladda Ruushka ayaa duullaan culus ku qaaday dalka Ukraine oo daris la ah, Ruushka ayaana duullaanka ay ku qaadeen Ukraine ku noqday mid ka duwan sidii ay markii hore filayeen una sahashadeen.

Ciidamada Ruushka ee gudaha u galay dalka Ukraine ayaa khasaaro xooggan kala kulmay duullaanka ay ku qaadeen Ukraine, waxaana Ruushka dalkaasi looga dilay askar badan halka sidoo kale diyaarado looga soo riday loogana bur buriyay dabaabaadka dagaalka.

Warbaahinta Reer Galbeedka kuwooda ugu afka dheer ayaa qoraya in dowladda Ruushka taageero milatari ka codsatay dowaladda Shiinaha oo kamid ah dowladaha xiriirka dhaw la leh Xukuumadda Moscow.

Wargeysyada Financial Times iyo  New York Time ayaa qoray in Ruushka taageero milatari iyo mid dhaqaalaba ka codsadeen dowlada Shiinaha , waxa ayna Ruushka taageeradaan doonayaan in ay u adeegsadana duullaanka ay ku qaadeen Ukraine.

Saraakiil milatari oo katirsan Mareykanka oo soo xigteen wargeysyadan ayaa sheegay in Ruushka codsiga u gudbiyay Shiinaha uu bilowday markii dagaalku qarxay, saraakiisha Mareykanka ayaana sheegay in Ruushka iska caabin aysan fileyn la kulmeen.

Wargeysyadan ayaa sheegay in aysan wali cadeyn nuuca hubka dowladda Ruuska ka codsatay Shiinaha , mana jiro ilaa hada jawaab ka yimid dhinaca Shiinaha oo ku aadan codsiga Ruushka ee kaalmo milatari iyo mid dhaqaale.

Dowladda Shiinaha ayaan wali cambaareyn duullaanka Ruushka ku qaaday Ukraine, waxa ayna Shiinaha jilayaan door dhax dhaxaad ah iyaga oo ka baqaya in dagaalkan ka hadalkiisa wax u dhimo siyaasadooda .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -