Ganacsade lagu dilay Mid ka mid ah suuqyada waaweyn ee Magaalada Muqdisho

Rag hubeysan ayaa maanta nawaaxiga xaafada Suuq-Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dilay Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade.

Ninkan ayaa sida aan wararka ku helnay ka mid ahaa Ganacsatada Qalabka dhismaha, iyadoo kooxihii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta ka baxsadeen sida dad goob joogayaal ay sheegeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxay gaareen halka uu dilka ka dhacay, waxayna sameeyeen howlgallo baaritaano ah.

Ehelada Ganacsadaha la dilay ayaa iyana goobta tegay, iyagoo halkaasi ka qaaday Meydkiisa, waxaana muddo saacad ku dhow hakad galay howlihii ganacsi ee Suuq Bacaad.

Lama oga weli sababta loo dilay ganacsadahan iyo cida ka dambeysa dilkiisa oo noqonaya kii Saddexaad ee 24 saac gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho.

Saaka ayey aheyd markii  askari ka tirsan ciidamada dowlada uu dilay nin toorey ku soo weeraray oo madaxa looga jitay nawaaxiga Isgoyska Sanca, waxaana ka sii horeeyey dil xalay kooxo hubeysan ay degmada Kaaraan ugu geysteen qof shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -