Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Habraaca Doorashada kuraasta ugu dambeysa ee lagu dooranayo Gaalkacyo oo la shaaciyay

Guddiga Doorashada heer dowlad goboleed Galmudug ayaa shaaciyay Guddiga Xulista Kuraasta ergada dooraneysa kuraasta tirsigoodu yahay HOP#018, HOP#021 iyo HOP#020 oo lagu dooranayo magaalada Gaalkacyo.

Kuraastan saddexda ah ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee lagu dooranayo deegaanada maamulka Galmudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, waxaana Galmudug kamid noqonaysaa maamulada doorashada soo gabagabeenaya xilligii lagu ballamay.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa qoraalkooda ku shaaciyay in maanta la diiwaangelinayo musharaxiinta u tartameysa saddexdan kursi, waxaana doorashada kuraastan la qabanayaa berri oo talaado ah oo ku beegan 15-ka bishan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=UuEC3vd-XYc

Related posts

Xarumihii laga qaaday Ciidamadii loo daad gureeyay Guriceel oo haawanaya iyo Cabsi ka jirta

Cabdi Cade

Dowlad dalkeeda ka mamnuuceysa Qoraallada Carbeed ee muujinaya Astaan Islaam

Cabdi Cade

Ajandaha ugu horeeya ee looga hadlayo Kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---