Fahad Yaasiin oo qorshe cajiib ah u degay Bashiir Goobe si uusan damaciisa u fashilin

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo dhawwaan loo doortay Xildhibaan katirsan gollaha shacabka ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay uu ku doonayo in uu ku noqdo guddoomiye kuxigeenka gollaha shacabka.

Fahad Yaasiin ayaa meesha ka saaray kana hor istaagay in gollaga shacabka kamid noqdaan siyaasiyiinta miisaanka culus uu u arkayay in damaciisa halis galin karaan kulana tartami karaan gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka.

Ninkan siyaasadda Soomaaliya saameynta badan ku leh sidoo kale haga siyaasadda Villa Soomaaliya ku shaqeyso ayaa meesha ka saaray damacii uu Sereeye Guud Bashiir Goobe ku doonayay in uu ku noqdo Xildhibaan katirsan gollaha shacabka.

Sida aan xogta ku helnay Fahad Yaasiin ayaa ku amray guddiga doorashada Galmudug in kursiga ay sannado badan ku fadhiyeen Bashiir Goobe iyo Walaalkiis laga dhigo qoondo dumar si gabi ahaan meesha looga saaro Bashiir Goobe.

Fahad Yaasiin ayaana la sheegay in sidaasi u sameeyay isaga oo cabsi qabay in Bashiir Goobe oo beesha Shanaad isla yihiin in uu isku soo sharaxo guddomiye kuxigeenka 1-aad ee gollaha shacabka haddii uu kamid noqdo Baarlamaanka cusub.

Waxa uu sidaan oo kale Fahad Yaasiin meesha uga saaray siyaasiyiin kale uu ku jiro guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Muudey oo isna loo diiday in uu mar kale Xildhibaan noqdo.

Lataliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaal kastra oo suurto gal ah u sameenaya in uu noqdo guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee gollaha shacabka, waxa uuna meesha ka saaray siyaasiyiin badan oo kursigan damac uu kasoo gali karay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -