Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wasiirad xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay ku soo baxday fadeexad culus

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Uganda ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirta fadeexad xatooyo kumanaan biro ah iyo Jiingado.

Agabkan ayaa la sheegay in loogu tala galay bulshooyinka saboolka ah ee gobolka waqooyi-bari ee Karamoja, waxaana bixiyay dowlada Ugandha.

Mary Goretti Kitutu Kimono oo ah Wasiirka gobolka, ayaa maxkamad ka sheegtay in aanay wax dambi ah gelin balse waxaa loo diiday in xabsiga laga sii daayo iyadoo weli baaritaano ay ku socdaan.

Ugu yaraan 10 kale oo mas’uuliyiin sarsare ah kana tirsan dawladda ayaa lagu eedeeyay inay hayaan qaar ka mid ah jiingadaha la xaday.

Sida uu sheegay kormeeraha guud ee dowladda Waxaa ka mid ah madaxda la tuhunsan yahay Madaxweyne ku-xigeenka, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo caawa lagu daadiyey Kismaayo iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Nasiib daro ku tilmaamay carqaladeynta Farmaajo ku hayo Doorashada

Cabdi Cade

Iskuulo waa weyn isku beddelay meel digaagga lagu xanaaneeyo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---