Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamada Gorgor oo qabtay rag lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab (Sawirro)

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku qabteen rag ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka Gorgor ayaa sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen deegaanka Bariire uu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka loogana hortagayay kooxaha falalka ammaan daro ka wadda deegaankaasi.

Ciidamada ayaana soo bandhigay labo nin oo dhallinyaro ah oo ay sheegeen in ay katirsan yihiin Al Shabaab, kuwaa oo lagu qabtay howlgalka ay ciidamada Gorgor ka fuliyeen deegaanka Bariire.

Gobolka Shabeelaha Hoose goobaha ay ka joogaan ciidamada Gorgor ayey si joogta ah uga fuliyaan howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo, waxa ayna ciidamada mararka qaar la kulmaan iska caabin uga timaada dagaalyahanada Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=bkfXWI0KgC8

Related posts

Dad wejiyada qarsaday oo Laftagareen ku soo dhoweeyey Buur hakaba (Sawirro)

Caydiid Ali

Musharixiin Shuruudo adag ku xiray ka qeyb galka Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Cabdi Cade

Waddo Laami ah oo laga dhisayo Muqdisho oo maanta la dhagax dhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---