Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dad wejiyada qarsaday oo Laftagareen ku soo dhoweeyey Buur hakaba (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa safarka Nabada iyo Udiyaar garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka ku soo gaaray Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Bay sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Laftagareen oo dayuurad Nooca qumaatiga u kaca ah ku tagay Buur hakaba ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey maamulka degmada, saraakiisha ciidamada amaanka ee degmadaas, taliyeyaasha ciidamada Itoobiya iyo qeybaha bulshada.

Dadka soo dhoweeyey Laftagareen ayaa waxaa ku jiray rag iyo haween safaf ku jiray oo intooda badan wejiga ku soo qarsaday afxir ama Facemask, taasoo dad badan ka yaabisay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen  ayaa Daah-furey Dhismaha Gollaha Degaanka Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Bay ka dib kulan ka dhacay xerada ciidamada Itoobiya ee ka tirsan ATMIS ku leeyihiin degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Madaxeed ka socday Baku oo qarka u saaran fashil iyo hal arrin oo sabab …

Cabdi Cade

Uhuru Kenyatta oo shaaciyey tirada dadka cudurka COVID-19 ka dilay shacabkiisa

Caydiid Ali

Doorashadii Gudoonka Golaha shacabka Somalia oo goor dhow bilaabaneysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---