Musharax Wasiir Al Cadaala oo is dhiibay una sii hambalyeeyay Xildhibaankiisa (Sawirro)

Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in lagu qabto beri oo axad ah Doorashada saddex kursi uu ku jiro kursiga kursiga tirsigiisu yahay HOPO69, uu hada ku fadhiyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa .

Doorashada kursigan ayaa hardan adag loogu jiray, waxaana kursigan isku soo taagay doorashadiisa labada Musharax ee kala ah Cabdiraxmaan Odawaa oo mar kale difaacanaya iyo Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala.

Labada Musharax ayaana waday maalmihii lasoo dhaafay olole aad u xooggan, waxaana labada musharax taageero ka kala helayeen xafiisyada Ra’isul Wasaare Rooble iyo xafiiska Madaxweyne Farmaajo uu kaabayay Madaxweynaha Galmudug.

Doorashada rasmiga ah ee kursigan ayaana inta aan la gaarin  lagu kala baxay, waxaana lagu adkeeyay oo ugu dambeyn tanaasulay Cabdiraxmaan Alcadaala oo la sheegay in kursigan si cad ugu diiday Madaxweynaha Galmudug.

Musharax Al Cadaala ayaana markii uu hugoobay kaddib ka tanaasulay in kursigan u tartamo, waxa uuna xalay booqasho ugu tagay hoyga uu  Gaalkacyo ka degan yahay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo loo xiray kursigan hambalyo horey dhacna ah u diray.

”Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa Adeerkeey Abdurahman Mohamed Hussein oo noqonaya Xildhbaanka I matalidoona afarta Sano ee soo socota insha allaah, waxaan umahadcelinayaa dhamaan saaxiibadii mudada ka badan labada Sano igala shaqaynayay Ololahayga, waxaan kale oo u mahadcelinayaa dhamaan taageerayaashayda kala duwan oo aan leeyahay waad mahadsantihiin.” ayuu yiri Al Cadaala.
Doorashada kursigan ayaa horey loo filayay in uu noqdo mid furan oo labada musharax ku tartamaan , hasa ahaatee Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa si cad u diiday in uu qabto doorasho furan isagoona kursigan u xiray Xildhibaan Odawaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -