Guddiga Doorashada Hirshabelle oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada afar kursi

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa shaaciyay jadwalka doorashada afar kursi oo kamid ah kuraasta lagu dooranayo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Afartan kursi doorashadooda ayaa horey u shaaciyeen guddiga doorashada Hirshabelle , hasa ahaatee khilaaf iyo arrimo kale oo soo baxay ayaa sabab u noqday in dib loo dhigo doorashada kuraastan.

Doorashada kuraastan ayaa sida guddiga doorashada Hirshabelle shaaciyeen la qaban doonaa 14-ka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta, waxaana kuraastan la dooranayo ku jira kuwa si weyn isha lagu hayo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -