Ruushka oo qaaday Tallaabooyin uu uga aarsanayo Wadamadda cunaqabateynta kusoo rogay

Ruushka ayaa qaaday tallaabo uu uga jawaabayo cunaqabateynta ay waddamada Galbeedka ku soo rogeen kadib markii uu ku duulay dalka Ukraine.

Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay in 48 waddan oo ay ku tilmaantay “kuwo galay falal saaxiibtinnimada ka baxsan” ay ka mamnuucday qalabka isgaarsiinta, caafimaadka, gaadiidka, beeraha iyo korontada ee uu dalkeeda u dhoofiyo. Xayiraadda ayaa socon doonta tan iyo dhammaadka 2022.

Wasaaradda dhaqaalaha ee Ruushka ayaa sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah oo ay kamid tahay inay maraakiibta shisheeye ka mamnuucdo dekadaha dalkaas.

Dowladaha Galbeedka ayaa Ruushka saaray cunaqabateyn xooggeedu yahay joojinta iibsiga shidaalka iyo gaaska dalkaas, iyo xayiraadda hantida maalqabeennada waddankaas ee loo arko inay xiriir dhaw la leeyihiin Madaxweyne Vladimir Putin.

Ra’iisal wasaaraha Ruushka, Mikhail Mishustin, ayaa sheegay in cunaqabateynta ay saameyn doonto alaabaha ay sameeyaan shirkadaha shisheeye ee fadhigoodu yahay dalkaas, sida gawaarida iyo qalabka tareennada.

Madaxweynihii hore ee Ruushka, Dmitry Medvedev, ayaa sidoo kale ka digay in hantida ay leeyihiin shirkadaha Galbeedka ee ka baxay dalkaas ay la wareegi doonto xukuumadda Moscow, isla markaana la qaramayn doono.

Shirkado badan ayaa ka baxay Ruushka, halka kuwo kalena ay joojiyeen maalgashiga ay ku samaysan jireen waddankaas.

Arbacadii ayaa xukuumadda Moscow waxa ay meel marisay xeer u muuqda inuu yahay tallaabada koobaad ee uu Ruushka ku qaramaynayo hantida shirkadaha ka baxay waddankeeda.

Medvedev ayaa sheegay in dalkiisa uu durbadiiba billaabay hannaanka uu kula wareegayo hantida shirkadaha iyo ururada shisheeye, isagoo intaa raaciyay “shirkadaha ajnabiga ah waa in ay ogaadaan in ay ku adkaan doonto ku soo laabashada suuqyadeena.”

Waxa uu ku eedeeyay in maalgashatada ajnabiga ah ay shacabka caadiga ah ee Ruushka ku abuureen “argagax” isla markaana ay khatar geliyeen noolal maalmeedkooda.

Xogta ugu dambeysay ayaa muujinaysa in Ruushka uu yahay dalka sagaalaad ee xiriirka ganacsi ee ugu ballaaran la leh UK, waxaana labada waddan ay muddo sanad ah oo ka soo billaabatay September 2020 kala iibsadeen badeecooyin gaaraya £15.9 bilyan.

Markii ay Britain dekadaheeda u diidday maraakiibta ganacsiga ee Ruushka, Moscow ayaa qaaday tallaabo aargoosi ah oo ku aaddan maraakiibta shisheeye ee ku soo xirta furdooyinkeeda.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Khamiistii sheegay in cunaqabateynta la saaray Ruushka ay saameyn xun ku yeelan doonto suuqyada cunnooyinka adduunka, maadaama dalkiisa uu soo saaro waxlaha lagu bacrimiyo beeraha.

- Advertisement -