Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Mid kamid Xildhibaanada Cusub ee gollaha shacabka oo meydkiisa laga helay magaalada …

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaya in goordhaw la helay meydka Xildhibaan Maxamuud Muxumed Cumar ( Kuulow) oo kamid ah xildhibaanada cusub ee la doortay ee gollaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubno kamid ah ehelada xildhibaanka ayaana xaqiijiyay geeridiisa, mana jiro faah faahino badan oo laga hayo sida uu u geeriyooday xildhibaanka iyo goobta rasmiga ah ee meydkiisa laga helay.

Illaah ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Muxumed Cumar ( Kuulow) ayaa 22-kii bishii dhamaatay ee Febraayo lagu doortay magaalada Kismaayo, waxa uuna ninkan kamid ahaa xubno aad ugu dhawaa Madaxweynaha Jubbaland .

Xildhibaankan ayaa geeridiisa imaaneysaa iyadda oon wali loo dhaarin kursiga uu ku guuleestay, waxaana sidan oo kale Garawe ugu geeriyooday sanadkii 2016-kii Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo kamid ahaa xildhibaanadii la doortay.

Waxii kusoo kordha geerida Xildhibaanka kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Geeri deg deg ah oo ku timid gabdho mataano isku dhegan oo 22 jir ahaa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Waddamo Afrikan ah oo bilaabay in ay joojiyaan Dharka Huudheyda ah ee dalkooda la keenayo

Cabdi Cade

Maxay Jubbaland kaga jawaabtay eedeyntii heyadda Duulista DF?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---