Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamo hareeyay Guriga Qoor Qoor ka degan yahay Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi ka taagan tahay xiisad ka dhalatay boob laga cabsi qabo in loo geesto kuraas kamid ah kuwa gollaha shacabka ee lagu dooranayo magaaladaasi.

Ciidamo hubeesan oo kasoo horjeeda in kuraasta gollaha shacabka gaar ahaan kuwa ee leedahay beesha Sacad loo xiro shaqsiyaad gaar ah ay wataan Villa Soomaaliya iyo Galmudug ayaa soo buux dhaafiyay magaalada Gaalkacyo.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa hareereeyay guriga uu magaalada Gaalkacyo ka degan yahay Madaxweynaha Galmudug, waxa ayna ku hanjabeen in tallaabooyin qaadayaan haddii aan la furin doorashada kuraasta qaar.

Gurriga uu magaalada Gaalkacyo ka degan yahay Madaxweynaha Galmudug waxaa hada ka socda dedaalo lagu doonayo in xal looga gaaro xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo, waxaana odayaasha magaalada doonayaan in xaalada la dejiyo

Siyaasiyiin iyo Odayaal kasoo jeeda beesha degta Koonfurta Gaalkacyo ayaa u tagay ciidanka hubeesan waxa ayna ka codsadeen in xaalada dejiyaan kana shaqeenayaan in kuraasta beeshooda aan cidna loo boobi doonin balse doorasho lagu kala bixi doono.

Kulamada u socda Madaxweynaha Galmudug iyo Odayaasha beesha Sacad ayaan wali laga soo saarin go’aamo, waxaama loo badinayaa in Madaxweynaha Galmudug aqbalo in doorashada kuraasta beeshaasi uu furo si dagaal looga baaqsado.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -